Sarkaal ka Tirsanaa Al-shabaab ayaa isku dhiibay Ciidamadda malatariga Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Degmadda Xudur ee Gobolka Bakool.
Colaad Cabdrixmaan Xerow, waxa uu ahaa darawal in muddo ah kaxeyn jiray gaadiidka dagaalka ee Al Shabaab,wuxuuna ka shaqeynayay deegaano ka Tirsan Gobolka Bakool.
Waxa uu sheegay in muddo 11-sanood ah uu Ka Tirsanaa Al-shabaab,islamarkaana uu go’aansaday in uu kasoo goosto.
Colaad ayaa ka dalbaday shacabka Somaaliyeed inay iska cafiyaan maadaama muddo dheer Shabaab uu ahaa, islamarkaana uu door ka qaatay dhibaateynta shacabka Somaliyed.

