Koox Hubeysan Dil iyo dhac u Ka Geeystay Deegaanno Ka Tirsan Sh\Dhexe

0

dableey hubeysan ayaa ayaa dad shacab ah waxaa ay dil iyo dhac ugu  geysteen degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka aynu ka helayno degaanka lagu magaacaabo Bashaqle oo ah duleedka warsheekh ee Gobolka SH\dhexe ayaa sheegaya in koox hubeysan ay gaari rakaab ah ugu geysteen degaankaas dil iyo dhac, waxaa ay goobta ku dileen darawalkii gaariga, sidoo kale waxaa ay dhac iyo jir dil u geeysten dadkii rakaabka ahaa ee gaarga la socday.

Rakaabka gaariga ayaa gaarayay 15 ruux oo ay dumar ku jiraan, wararka qaar ayaa sheegaya qaar ka mida dumarka saarnaa gaariga in ay kooxdii jidka u galay ay u geeysteen fal kufsi  ah.

Kooxdii dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobtii ay falka ka fuliyeen, waxaana goor danbe goobtii laga qaaday maydkii darawalka.

Degaanno badan oo ka tirsan gobolada dalka waxa ka dhaca falalka nuucaan ah, waxaana waddooyinka xariiriya magaalada muqdisho iyo gobolada dalka ka dhaca falal isugu jira dil, dhac iyo kufsi loo geeysto haweenka safarka ah ee rakabka la socda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here