Al-shabaab oo Dhaawacay Guddoomiye Ku-xigeenka Ceelasha Biyaha, Gaarigiina Ka Qaatay

0

Al-shabaab ayaa sheegay in weerar qorshaysnaa ay ku dhaawaceen, guddoomiye ku xigeenka deegaanka Ceelasha biyaha ugu magacaaban dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa weerar ku qaaday gaari uu la socday guddoomiye ku xigeenka,waxayna gaarsiiyeen dhaawac.

Gudoomiyaha la dhaawacay ayaa magaciisa lagu soo koobay imaan,waxayna shabaab ay sii qaateen gaari uu watay.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in sarkaalka labeegsaday uu si dirqi ah ku badbaaday.

“Al-shabaab ayaa dhaawacay guddoomiye ku xigeenkii Dowladda ugu magacaawnaa deegaanka Ceelasha Biyaha gaari uu watayna waa laga qaniimaystay” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al Shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here