Kooxo hubeysnaa ayaa caawa Degmadda Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen Wariye Cabdiweli Cali Online oo kamid ahaa Suxufiyiinta ka howlgala Degmadaas.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa Madaxa Xabado kaga dhuftay wariyaha,waxaana soo gaaray dhaawac culus oo markii dambe uu u geeriyooday.
Wariyaha ayaa Degmada Afgooye uga soo warami jiray Universaltv Xaruntiisa Muqdisho iyo Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho.
Dilka Wariyaha ayaa ku soo aadaya, xilli maalintii Arbacada ay Hay’adda Amnesty International sheegtay in ay Dowladda Somaliya qayb ka tahay dhibaatooyinka dalka loogu gaysto Saxafiyiinta.

