Somaliland oo Ka Hadashay Booqashadda Farmaajo ee Hargeysa

0

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Raisulwasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ku Cadaadinayo Somaliland in Madaxweyne Farmaajo ka dejiyo Magaaladda Hargeisa.

Isagoo maanta ka hadlayay kulan ay yeesheen xildhibaanadda Golaha Guurtidda Somaliland oo ka dhacay Hargeysa ayuu sheegay in ay soo dhaweynayaan Farmaajo,balse ay diidan yihiin in loo keeno.

“Annagu waxa aannu leenahay ha noo keenin laakiin haddii uu la yimaado dee diidimayno laakiin nin Soomaaliyeed oo Abiy, la socda ha ahaado” gudoomiye Saleeban.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay raaligalin Qaran oo ku wajahan Shacabka & Madaxda Somaliland duqeyntii ay u geysatay Xukuumadii Kacaanka Milateriga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here