Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xisbigada UCID ee Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay Booqashadda la sheegay in Madaxweyne farmaajo iyo Raisulwasaare Abiy Axmed ku tagayaan magaaladda Hargeysa ee Caasimadda maamulka Somaliland.
Waxa uu sheegay siyaasiga inay arrintani soo bilaabay xilli hore, ka dib markii uu shir isugu yeeray Madadxweynaha Somaliland, markii uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya soo weydiistay booqashada isaga iyo Farmaajo ee Magaalada Hargeysa.
“Horta arrintani mar hore ayay timid oo maalin Madaxweynuhu inoo yeeray, waxa uu yiri waxaa ila soo hadlay Ra’iisal Wasaarihii Itoobiya oo yiri waxaan jeclahay inaan nimaano Magaalada Hargeysa aniga iyo Farmaajo. In waxaa noola yimaadaa horta meesha ma qabato, Farmaajo wuxuu ka soo dooni karaa Somaliland ma jirto.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Xisbiga UCID.
Dhanka kale Feysal cali Waraabe ayaa sheegay in uusan jirin heshiis dhexmaray Dowladda Dhexe iyo Maamulka Somaliland, sidaas darted aysan suuragal aheyn in Madaxweyne Farmaajo tago Magaalada Hargeysa.

