Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Axmed oo ku Wajahan Hargeysa

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo Raysal-Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa la filayaa in ay magaalada Hargeysa socdaal ku tagaan toddobaadka danbe, sida ay ii xaqiijiyeen ilo-xogogaal ah.

Socdaalka labadan mas’uul ayaa la sheegay in uu ka dhashay kulankii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Addis Ababa,kaasi oo u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Magaaladda Hargeysa.

Dowladda Ethopia ayaa haatan ka shaqeynaysa sidii la isugu keeni lahaa Dowladda Dhexe ee Somaliya iyo Maamulka Somaliland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here