Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta ku kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo,kulanka labadda mas’uul ayaa qaatay muddo saacad ah,balse lama oga waxa looga hadlay.
Kulanka ayaa la sheegay inuu ahaa mid labadooda kaliya ay wada qaateen oo aysan la joogin wasiirrada iyo xubnaha kale midna.
Waa markii ugu horraysay ee ay kulmaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo dhowr jeer ay wadahadallada dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ay dib u dhaceen.

