Taliye Xijaar:-“Amniga Meel Xun Buu Marayaa, Amniga Waa Lagu Soo Duulay”,!

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in amniga dalka lagu soo duuley oo uu gaarey meel xun, islamarkaana ay jiraan dad diidan dalka amnigiisa iyo hormarkiisa.

Hadalkaan ayuu ku sheegay kulan ka dhacay Magaaladda muqdisho oo looga hadlay kulan looga hadlayay isku xirka howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Muqdisho ka dhacay

Waxa uu sheegay heerka amni xumada dalka ay gaartay in la qarxinaayo Kaamirooyinka loogu talo galay suggida ammaanka.

Waxa kale uu sheegay Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliya in la beegsado Injineerada ku hawlan dhismaha wadooyinka dalka, taasina uy ku tilmaamay inay tahay qayb ka mid ah amnidarada dalka ka jirto.

“Amniga dalka meel xun buu marayaa, amniga waa lagu soo duulay, kaamirooyinkii lagu xiro waddooyinka in la qarxiyo ayaa la gaaray, dalka horumarkiisa ayaa la diidan yahay, Injineerada waddooyinka dhisaya ayaa la qarxiyaaa, waxaa la diidan yahay ummadda inay xasisho”ayuu yiri Jen. Xijaar.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here