Puntland ayaa Digniin u dirtay Shirkadaha Shisheeye ee daneeya Shidaalka Soomaaliya,kadib Markii madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan saxiixay Sharciga Batroolka.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland aysan qeyb ka noqon doonin dhaqan galinta Sharciga Batroolka Soomaaliya, ilaa meesha laga saarayo qodobada ka soo horjeeda Dastuurka iyo hannaanka Federaalka.



