DFS oo Ka Hadashay Sababta Ciidamadda Haram-cad Loo geeyay Gedo

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay sababta deegaano ka tirsan Gobolka Gedo loo geeyay ciidamado ka Tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo la hadlayay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Ciidamadaas ay yihiin Millateri,islamarkaana dowladda ay si sharci ah Gobolkaasi u geysay.

Waxa uu sheegay in qorshaha ugu weyn ee halkaas ciidamadda loo geeyay uu yahay difaacidda dalka,islamarkaana si lamid ah ciidamo loo geyn doono deegaano ka tirsan Goboladda dalka Soomaaliya.

Wasiir maareeye ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo wararka ku aadan in ciidamadaas halkaas loo geeyay go’doominta maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe ee kismaayo maamula.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here