Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaaladda muqdisho ku xirtay Guddoomiye kuxigeenkii Gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq (Al-Qaadi) iyo Guddoomiyihii degmada Baardheere Ismaaciil Qorax.
Mas’uuliyiintaan ayaa Magaaladda Muqdisho ku yimid wada-hadal ay lageyn dowladda Soomaaliya,balse markii ay kasoo dageyn garoonka Muqdisho,waxaana la wareegay ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
Ciidamada Booliska ee Garoonka Aadan Cadde ayaa labada masuul u sheegay inay xarig yihiin, kadib markii diyaaraddii ka keentay Degmada Baardheere, ay ka soo cago-dhigatay Garoonka Magaalada Muqdisho.
Qorshaha ay Magaaladda Muqdisho lagu keenay ayaa waxa fududeeyay Taliyaha Guutada 10aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Maxamad Caddow Cali (Sanka).
Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Gedo iyo Guddoomiyaha degmada Baardheere ayaa si weyn uga soo horjeeday qorshaha ay dowladdu waday ee la doonayay in Maamulka Jubbaland looga gooyo Gobolka Gedo.
Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe ku aadan in xayiraad la saaro maamulka jubbaland ee kismaayo maamula,waxaana socda qorshe ciidamo loogu daabulayo Gobolka gedo.

