Muran Xoogan iyo Isqabqabsi oo ka dhashay Musuqmaasuq ay la yimaadeen Madaxda sare ee Maamulka Puntland ayaa ka Taagan qorshaha Maamul u sameynta Degmada Galdogob ee Gobalka Mudug sida ay inoo Xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta ku sugan Gudaha Degmadaasi.
Khilaafaan ayaa sida la sheegay yimid ka dib Markii Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdiraxmaan Dhaban Cad uu isku dayey in Xilka Gudoomiyaha Degmada u Magacaabo shaqsi aan ku imaad Rabtaan Shacabka Degmada Galdogob ee Gobalka mudug sida uu Idaacada Simba u sheegay Maxamed Cabdulqaadir Afdhuub oo ah Gudoomiye ku Xigeenkii hore ee Gobalka mudug islamarkaana ku sugan Degmada Galgodob.
Gudoomiye ku Xigeenka ayaa sheegay in Madaxda Sare ee Puntland ay wadaan Musuq-maasuq Xoogan ku Saabsan dhismaha Maamulka Degmada Galgodob waxaana Xusay in Madaxweyne Siciid Cabdulaahi uu ka danbeeyo arintaansi,asaga oo uu nasiib daro uu ku Tilmaamey in Madaxda Puntland ay la yimaadaan habdhaqankaasi.
Dhankale Gudoomiye ku Xigeenkii Hore Gobalka Mudug ayaa ku eedeeyey Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug inay ku Guuldareysteen Fulinta iyo dhaqan galinta Heshiisyadii Nabada Gobalka Mudug oo hada uu Xusay in Colaado ay ka soo cusboonaadeen Deegaano ka tirsan Galbeedka Gobalka Mudug, asaga oo intaas hadalkiisa sii raaceyey in Mas’uuliyiinta ay ku Mashquuleen arimo Siyaasadeed oo aan dani ugu jiran Shacabka Labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug .
Eedeynta loo soo jeediyey Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ku soo aadaysa Xili ay dib usoo Cusboonaadeen Dilal ku saleysan aanooyin Qabiil oo ka dhacaya Deegaano ka tirsan Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka mudug.

