madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxmed ( farmaajo) ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor-Qoor) sidoo kale waxaa madaxweyne Farmaajo uu hambalyo u diray madaxweyne ku xigeenka cusub ee Galmudg Cali Ciid.
Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka Galmudug isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni, talo-wadaag iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Galmudug.

