Shil gaari oo khaasaare gaystay ayaa ka dhacay degmada Yaaqshid gaar ahaan suuqbacaad, waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray dadkii saarnaa labada gaari ee isku dhacay kuwaas ooo gawaari nuuca raaxada ah, iyagoo xawaara sare ku socday ka hor inta aysan isku dhicin labada gaari ee shilka galay.
Laba qof ayaa ku dhawacantay sida la sheegay kuwaas oo uu soo gaaray dhawac halis ah, waxaana la gaarsiiyay goobaha caafimaad ee ugu dhawaa goobta uu shilku ka dhacay, shilka ayaa si gaar ah uga dhacay nawaaxiga daarta Soomaali Baasto.
Kadib shilka dhacay waxaa goobta gaaaray ciidan ilaalada waddooyinka gobolka Banaadir, waxa ay ciidanku baaritaan ka wadaan goobtii shilku ka dhacay.
Shilalka nuucaan ah ayaa inta badan waxaa ay ka dhacaan magalada Muqdishu, iyadoo loo sababeeyo waddooyinka qaar iyo wadayaasha gawaarida oo aan lahayn xirfad ku filan.

