Beesha Caalamka oo Ka Hadashay Sharciga Doorashooyinka Somaliya ee La Meelmariyay

0

Beesha caalamka ayaa war kasoo saartay Sharciga doorashooyinka Somaliya oo dhawaan ay meelmariyeen Xildhibaanadda  Golaha Shacabka baarlamaanka Somaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay beesha caalamka waxa ay faahfaahin ka bixiyeen kulamo ay la qaadanayeen guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka somalia iyo talska booliska somaliyeed waxaana beesha caalamka ay sheegeen in ay kalahadleen dhamaan dhinacyadan sidii loo dhameestiri lahaa shuruucda gundhiga u ah doorashada la filayo in ay dalka ka qabsoonto sanadda 2021-ka.

Beesha caalamka ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in loo xalo xalinta muranka ka taagan sharciga doorashooyinka qaranka gaar ahaan dhinacyada dastuurka,qoondeynta kuraasta Xillibanaada aqalka sare iyo sidoo kale qeexidda qoondada haweeenka ay kuleeyihiin matalaadda kuraasta baarlamaanka dalka doorashada lafilayo in ay dalka kadhacdo sanadda 2021.

Ugu dambeen qoraalka kasoo baxay beesha caalamka waxa ay ballanqaadeen in sii wadi doonaan taageerada dhinaca farsamada ah ee ay lagarabtaaganyihiin guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka somalia si loo suurtagaliyo qabsoomidda doorashooyinka dalka somalia sanadda 2021.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here