Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay ciidamada Dowladdu ay howlgallo ka wadeen degmooyin iyo deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ay waddada u galeen kolonyo ka tirsan ciidanka dowladda, waxaa halkaasi ka dhacay iska hor imaad kooban oo khasare dhimasho iyo dhawac leh dhaliyay
Dagaalka ayaa ka dhacay duleedka degmada Buurdhuubo ee gobolka gedo, waxaana la sheegay in ay ciidanka dowladdu ay kusii jeedeen Buurdhuubo, hase ahaa tee waxaa weerar dhabba Gal ah ku ekeeyay Dagaalamayaal ka tirsan Shabaab oo weerar Qorshaysan soo qaaday, shabaab waxaa ay sheegeen in ay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidanka dowladda, waxaana ay sheegeen in ay halkaas ku dileen Sarkaal sare oo ay magaciisa ku sheegeen Bashiir Waaroow oo ahaa sida ay sheegeen sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka dowladda , waxaa intaas ay ku dareen shabaab in ay saanad Millatry Ka furteen ciidankii ay weerarka dhabba galka ah ku sameeyeen.
Dhanka kale saraakiisha Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaan Xariir la sameeynay si aan wax uga weydiino wararkaan sheegaya in Khaasre lagu gaarsiiyay weerar kaasi, balse waa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dagaalkaas iyo guulaha ay sheegteen shabaab.
Al-shabaab ayaa tiro dhowr jeer ah waxaa ay weeraro nuucaan ah ku qaadeen ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana ay shabaab inta badan ay guula ka sheegtaan weerarada ay ku qaadaan ciidanka dowaladda iyo AMISOM

