Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay Nairobi Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mudane Mohamed Ali Guyo.
Madaxweyne Deni iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mohamed Ali Guyo ayaa kulankooda uga wadahadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, wadashaqaynta IGAD iyo Puntland, mashaariicda horumarineed ee IGAD ka taageerto Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay isla magaaladda Nairobi kula kulmay Safiirka dowladda France u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Aline Kuster-menager, waxaana ay ka wada-hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya, Siyaasadda, Amniga iyo mashaariicda horumarin ee Puntland ka socda.

