Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya kaga digay in wax isdaba marin ay ku sameyso doorashadda Madaxweynaha Maamulkas.
Qoraal ay soo saareen ayay ku sheegeen in shaki badan ay ka qabaan dhanka Dowladda Soomaaliya ee ku aadan doorashadda Madaxweynaha Maamulkaas.
Musharixiinta ayaa gebegebadii shirka waxay isla garteen in ay kaliya ka qeybgeli karaan doorashada lagu wado in Galmudug ay ka dhacdo todobaadyada soo socda haddii la helo shuruudo ka kooban 6 qodob.


