Al-shabaab oo Degaanno Cusub Goordhaweyd La Wareegay

0

Al-shabaab ayaa la wareegay degaanka Farlibaax oo 45km u jira Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaal kooban oo ka dhacay degaankaas ayaa waxaa kula wareegay shabaab iyadoo ciidankii dowladda ee gacanta ku hahay lagala wareegay gacantooda, waxaana gacata ku haya degaankii lagu dagaalamay Al-shabaab sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Dagaalka oo subaxnimadii hore ee saaka billawday ayaa waxaa la sheegayaa in khasaare uu ka dhashay, balse lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas dhexmaray ciidanka dowladda iyo Alshabaab.

Inta badan deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku dagaalama Alshabaab iyo ciidanka Dowladda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here