Dowladda mareykanka ayaa diyaarado dagaal oo nuuca Helikoptarka ah ugu deeqday millatariga dowladda Kenya

0

Dowladda mareykanka ayaa diyaaraddo dagaal oo nuuca Helikoptarka ah ugu deeqday millatariga dowladda Kenya kadb weerarkii Alshabaab ay kuqaadeen saldhig ciidamada millatariga Kenya iyo kuwa mareykanka ay kulahaayeen magaalo xeebeedka laamuu ee udhaw xadka wadamada Kenya iyo somalia weerarkaasi oo mareykanka looga dilay 3 xubnood oo kusugnaa saldiga manda Baay.

Saraakil sare oo katirsan millatariga mareykanka ayaa goob joog ka ahaa xaflad kadhacday bariga magaalada Nairobi ee caasimadda dalka halkaasi oo loogu wereejiyay millatariga dalka Kenya 6 kamid ah  diyaaradaha nuuca dagaalka ah gaar ahaan kuwa loo yaqaanno Helikoptarka  sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska mareykana Africom.

Qorshaha loogu wereejiyay diyaaradaha dagaalka millatariga Kenya ayaa waxaa fulinteeda lahaa wasaaradda diffaaca dowladda mareykanka waxaana qiimo ahaan lagu qiimeeyay lacagta kubaxday hishiiskan  $1.4 Billion waxaana kujira taageero dhinaca tababarka iyo Zaadka ciidamada millatariga dowladda Kenya .

Diyaaradahan lagu wareejiyay millatariga dowladda Kenya ayaa imanaya iyadoo ay jirtay in paantikoonka mareykanka ay qorsheeynayeen in ladhimo tirada ciidamada mareykanka ee kusugan qaaradda Africa islamarkaana laga soo saaro qaar kamid ah wadamada Afica ciidamada muhiimka ah ee katirsan millatariga mareykanka.

 

 

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here