DFS oo Ka Warbixisay Dhaawacyada Qaraxii Ex-kantarool ee la geeyay Qatar

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay Xaaladda dadkii ku dhaawacmay qaraxii 28-kii bishii hore ka dhacay Ex-kontorool ee la geeyay dalka Qatar.

Safiirka dowladda Federaalka  Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, ayaa sheegay in dhaawacyada Qaraxii Ex-Kantarool ee la geeyay Qatar ay xaaladooda caafimaad soo hagaageyso, islamarkaana ay heleen daryeel caafimaad oo dhameystiran.

Waxa uu sheegay Safiirka dowladda Federaalka  Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano in aysan jirin dad haatan la il daran dhaawacyo oo xaaladda halis ah ku jira.

“Qaraxu 28-kii ayuu dhacay 30-kii bisha ayaan soo qaadnay 23 qof oo dhaawac ah iyo 23 oo caawineysa dadka dhaawaca ah, sideed ka mid ah isbitaalka wey ka soo baxeen Hotel ayayna joogaan, laakiin waxay leeyihiin balamo kala duwan oo firiro looga bixinayo, daweyntooda qaab bukaan socod ayay noqoneysaa, dhaawacyada saddex qof ayaa u darna oo lugta kaga jaray, balse sida kale ay xaaladooda caafimaad wanaagsantahay’ ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Qatar”, ayuu yiri Safiirka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here