Madaxweyne Ku Xigeenka DG HirShabeelle Md Ali Gudlaawe Hussein ayaa caawa hoygiisa Magaalada Muqdisho kulan Casho ah ugu sameeyay Madaxweynaha DG HirShabeelle Md Dr Mohammed Abdi Ware iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabeelle Md Sheekh Cusmaan Barre Maxamed.
Kulankan uu soo agaasimay Madaxweyne Ku Xigeenka HirShabeelle Md Cali Gudlaawe Xuseen ayaa ujeedkiisuna ahaa sidii loo soo afjari lahaa khilaaf iyo Madmadow soo kala dhexgalay Madaxweyne Dr Maxamed Cabdi Waare iyo Gudoomiye Sheekh Cusmaan Barre Maxamed.
Ugu Dambeyn Madaxweyne Ku Xigeenka DG HirShabeelle Md Cali Gudlaawe ahna Nabadoonka HirShabeelle ayaa soo afjaray Khilaafkii Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.





