Ciidamada kumaandooska danab oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka mareykanka ayaa weeraro kafliyay deegaanno katirsan gobalka jubbada hoose sida ay xaqiijiyeen taliska mareykanka Africom ee Somalia.
Howlgalkan oo lasheegay in ay siwadajir ah ufuliyeen ciidamada Danab oo katirsan xoogga dalka somaliyeed iyo diyaaradaha dagaalka mareykanka ayaa kadhacay qeybo kamid ah gobalka jubbada hoose gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Bangaani oo hoostaga gobalka jubbada hoose ee koonfurta Somalia.
Taliska mareykanka Africom ee somalia ayaa xaqiijiyay in duqeymo ay ka fuliyeen deegaanno katirsan gobalka jubbada hoose waxa ayna intaasi ku dareen in howlgalladaasi ay ku dileen 12 xubnood oo katirsan Alshabaab.
Taliska mareykanka Africom ee somalia ayaa sheegay in wax khasaare ah aysan soo gaarin dadka shacab ah ee kudhaqan deegaannada ay ka fuliyeen duqeynta kuwaasi oo katirsan gobalka jubbada hoose iyadoo ay jirtay in hay,adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ay mareykanka ku eedeysay in ay duqeyn kudileen dad shacab ah oo kunool deegaannada dhaca koonfurta iyo bartamaha somalia.

