Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kahadlay weeraraddii mudooyinkii lasoo dhaafay kadhacayay gobalka waqooyi bari dalka Kenya weeraradaasi oo ay geysanayeen dagaalyahannada Alshabaab.
Uhuru Kenyatta ayaa kulan kulaqaatay magaalada Mombasa saraakiisha ciidamada amaanka dowladda Kenya waxa uuna faray in sideg deg ah ay jawaab kaga bixiyaan weeraraddii muddooyinkii udambeeyay kadhacayay gobalka waqooyi bari dalka Kenya isagoona faray ciidamada amaanka in ay billaaabaan hanaan cusub oo lagula dagaallamayo dagaalyahannada Alshaab si looga hortago Qatarta Alshabaab sida ay qorayaan warbaahinta dalka Kenya.
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hoosta kaxarriiqay in Alshabaab lagula dagaallami doono hanaan cusub oo ay iskakaashanayaan ciidamada amaanka Kenya iyo sidoo kale shacabka kunool deegaannada gobalka waqooyi bari dalka Kenya.
Madaxweynaha dalka Kenya mr Uhuru Kenyatta ayaa faray ciidamada amaanka in ay joojiyaan ganacsiga kotorobaanka ah iyo sidoo kale waxyaabaha sharcidarrada ah kuwaasi oo uu sheegay in ay Alshabaab uyihiin waxyaabaha ufududeeya in ay awood kuyeeshaan gobalka waqooyi bari dalka Kenya.
Hadalka kasoo baxay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa imaanaya iyadoo tan iyo markii lagudagalay sanadka cusub ee 2020 Alshabaab ayaa kordhiyay weerarada ay kuqaadayaan saldhigyada ciidamada booliska Kenya ay kuleeyihiin gobalka waqooyi bari dalka Kenya.

