Al-shabaab oo Sheegay in ay Dileen Laba Abaanduule oo Ka Tirsanaa Dowladda

0

Al-shabaab ayaa sheegay in ay dileen Abaanduule ka Tirsanaa Ciidamadda Malatariga Dowladda Soomaaliya,kadib dagaal saacado qaatay oo ka dhacay deegaanka Xaaji Cali ee hoos taga degmadda Cadale ee dhacda xeebta Shabeelaha dhexe.

Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in dagaalka lagu dilay 5 askari oo uu kamid ahaa taliyihii heystay ciidamadii goobta ku sugnaa iyo saraakiil kale, dadka lagu dilay dagaalka waxaa kamid ah Abaanduule Cabdi Kariin Hilowle.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalkii Xaaji Cali lagu dilay taliye Abuukar Axmadeey Abuukar oo kamid ahaa saraakiisha caanka ah ee ciidamada dowladda.

War kasoo baxay taliska ciidanka Xarakada Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka lagula wareegay laba gaari nuuca Cabdi bilaha loo yaqaan, dhaawacyada ciidamada dowladda gaaray ayaa lagu qiyaasayaa illaa 5 askari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here