Magaalada Boosaaso ee Xarunta ganacsiga maamulka Puntland ayaa maanta waxaa uu shir ugu furmay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, shirkaan oo ah mid xasaasi ah ayaa la filayaa in labada hoggaamiye ay kaga hadlaan arrimo kala duwan oo la xariira siyaasadda qasan ee u dhexeysa maamul Goboleed yada iyo Dowladda dhexe.
Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa shirkaan diiradda kusaari doona dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo eegista Dastuurka waxaana ay ka wada hadli doonaan sidoo kale khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe.
Waxaa la filayaa in ay si wada jira ah labada madaxweyne ay usoo saaraan war murtiyeed ay labada dhinaca ku faah faahinayaan waxyaabihii ay shirka uga hadleen, waxaana shirka qayb ka ah wasiiro ka kala tirsan labada maamul Goboleed Puntland iyo Jubaland.
Shirkaan ay labada masuul maanta yeelan doonaan ayaa kusoo aadaya iyadoo khilaafkii dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland uu sidiisii hore u taagan yahay, mana jirto ilaa hadda wax heshiis ah oo ay gaareen labada dhinac, waxaana jira warar sheegaya in Axmed madoobe ay gadaal ka riixayaan dalal shisheeye, waxaana si gaar ah farta loogu fiiqayaa Emarate-ka oo galaan gal xooggan ku leh khilaafaadka u dhexeeya Dowladda dghexe iyo maamul Goboleed yada qaarkood.

