Madaxweyne Farmaajo oo Maanta u Anba-baxaya Dalka Cummaan

0

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta u amba-baxaya  Dalka Cummaan, waxaana uu ka qayb gali doonaa tacsida u taalla shacabka dalkaasi cummaan.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay  ayaa waxaa jirtay Madax ka socota Caalamka oo ku qulqulayay dalka Cummaan si ay uga qeyb qaataan tacsida qaran ee loo sameynayo Suldaan Qaboos bin Said Al Said oo maalmo ka hor geeriyooday, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid noqon doona madaxdaas.

Dhawaan ayay ahayd markii uu geeriyooday Suldaankii dalkaasi Cummaan Suldaan Qaaboos, waxaana jirtay in uu ahaa suldaankii ugu waqtiga dheeraa ee dalkaasi xukuma waxaana uu xukumayay dalkaasi 50 sano, waxaana dalkaasi hadda suldaan ka noqon doona Suldaan cusub ee Cummaan Sultan Haitham bin Tariq Al Said, kaddib geeridii Suldaan Qaboos.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here