Seddex carruur ah ayaa gaajo ugu geeriyooday Kaam ku yaalla Duleedks Degmada Kaxda ee Gobolkan Banaadir, carruurtaan ayaa ahaa hal qoys waxaana soo foodsaartay xaalad nolol xumo oo aad u liidata taas oo keentay in ay geeriyoodaan.
Kaamka ayaa lagu magacaabaa Calaf-suge waxaana uu ku yaallaa duleedka degmada kaxda, waxaana carruurtaan gacanta ku haysay ayeey dood oo iyaduna ku geeriyootay qaraxii ka dhacay Ex-control, carruurta Aabbahood ayaa horay u geeriyooday waxaana dhawaan qaraxii Ex-control Afgooye ku geeriyootay ayay dood oo ahayd qofka ay ku tiirsanaayeen carruurtaani, halka hooyadoodna ay Ku maqnayd sidii ay noloshooda u maaraayn lahayd iyadoo Xaabo ama qoryo guris u baxday.
Guuddoomiye ku xigeenka Kaamka Siciid Cabdi Jaamac ayaa inoo xaqiijiyay in carruurtaasi ay geeriyoodeen waliba gaajo darteed, waxaa uu sheegay in kaamka ay ka jirto xaalad nolol xumo oo aad u liidata, da’da caruurta ayaa ka yareed Toban sano waxaana ka mid ahaa dhallaan yar oo Bilo joogay.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa intaas ku daray in wali ay jiraan carruur kale oo xaaladooda nololeed aysan wanaagsanayn waxaana goor kasta la filan karaa in ay dhibaatadu intaas ka badan karto, waxaana uu baaq dheer u diray cid kasta oo wax u qaban karta dadkaan ku dhibaataysan kaamka uu guddoomiye ku xigeenka ka yahay Siciid,
Waxaa jira kaamam badan oo ku yaalla dalka kuwaas oo ay ku dhibaataysan yihiin dad dan yar ah oo u baahan gar-gaar deg deg ah, balse dhawaanahaan ma aysan dhicin in gaajo ay ugu geeriyoodaan carruurtu, kaamam ku yaalla magaalada muqdisho oo ah caasimadda umadda soomaaliyeed, waxaana arrintaani ay noqotay wax aad looga naxo.

