Akhriso:-Doorashada Galmudug oo Ku Dhow inay Markale Dib u Dhacdo

0

Doorashadda Maamulka Galmudug ayaa u muuqata in mar kale dib u dhacayso kadib markii uu shaqeyn waayay Jadwalkii labaad ay soo saareen guddiga Farsamadda Doorashadda.

Guddiga Farsamada ayaa sheegay in soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka la soo gaba-gabeyn doono 30-kii December, Doorashada Guddoonka Baarlamaankana la qaban doono 4-ta January, halka midda Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ay dhici doonto 9-ka January,balse jadwalkaas ayaa dhaqan gali waayay.

Sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka Tirsan Galmudug,Guddiga ayaa soo saari doono jadwal kale oo doorasho ah,kadib markii uu fashilmay kii lasoo saaray bishi December ee 2019-kii.

Dowlada Soomaaliya ayaa waqti badan kaga lumay arrimaha Galmudug,waxaana haatan magaaladda Dhuusa-mareeb ku sugan Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here