Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-shabaab lagala wareegay deegaano iyo Tuulooyin ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Kadib howlgalo ay fuliyeen ciidamadda Kumaandooska Soomaaliya ayaa suuragaliyay in Shabaab lagala wareego Tuulooyinka Moradiinle, Buula Miskiin, Macallinka, Baladul Amiin, Raqayle, Sabriye iyo Buula Bashiir.
Taliyaha Guutada 16-aad ee Danab Gaashaanle Ismaaciil AbdiMalik ayaa sheegay in 20 kamid ah Al-Shabaab lagu dilay intii uu socday howlgalka shacabka looga dul qaadayo Shabaab.
Waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan howl-gallada inta Al-shabaab laga saarayo dhammaan deegaannada ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.




