Mid Kamid ah Dhaawacyadii Loo Qaaday Turkey-ga oo Geeriyooday

0

Magaaladda Ankara ee dalka Turkey-ga ayaa loo qaaday 16-ruux oo ku dhaawacmay qaraxii sabtidii ka dhacay isgoyska Ex-kontorool afgooye ee Magaaladda Muqdisho.

Haweeney kamid aheyd dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa xalay ku geeriyootay Magaaladda Ankara.

Aamino Osmaa Kheyre, oo kamid aheyd dhaawacyadda loo qaaday dalka Turky-ga ayaa isla xalay ku geeriyooday gudaha garoonka.

Dhanka kale 15-ruux kale oo dhaawacyo qaba ayaa loo kala qeybiyay  Isbitaallada waaweyn ee Magaalada Ankara iyada oo Bukaannada ay raacayeen Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ku barata dalka Turkiga kuwaas oo dadka la socda Bukaannada ka caawinaya Turjumaadda.

Dowladda Turky-ga ayaa shalay diyaarad kuwa Malatariga usoo dirtay Magaladda Muqdisho,waxaana lagu qaaday dhaawacyadda kuwii cuslaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here