Taliska mareykanka Africom ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday in ay duqeymo ka fuliyeen qeybo kamid ah gobalka shabeellaha hoose waxana taliska Africom ay hoosta kaxariiqeen in duqeymahaasi ay la bartilmaameedsadeen saldhigyo Alshabaab ay ku leeyihiin deegaanada Kuunyo barrow iyo Caliyow barrow waxaana taliska mareykanka Africom ee Somalia ay sheegeen in duqeymahaasi ay kudileen 4 xubnood oo katirsan Alshabaab.
Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska mareykanka Africom ee Somalia ayaa waxaa lagu yiri “annaga oo kaashanayeyna dowlada federaalka somalia talliska mareykanka Africom ee Somalia waxa ay fuliyeen saddex duqeymo dhinaca cirka ah waxaana lala bartilmaameedsaday labo goobood oo ay ku sugnaayeen Alshabaab gaar ahaan deegaanada Kuunyo barrow iyo Caliyo barrow oo intaba hoostaga gobalka Shabeellaha hoose”.
Taliska mareykanka Africom ee Somalia ayaa intaasi ku daray in 2 duqeyn oo kale ay ku dileen labo xubnood oo katirsan Alshabaab islamarkaana ay ku burburiyeen labo gaari oo Alshabaab ay lahaayeen duqeyntaasi oo kadhacday deegaanka kuunyo barrow oo hoostaga gobalka shabeellaha hoose.
Duqeymahan ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka mareykanka ayaa imaanaya iyadoo maalinimaddii sabtida aheyd uu qarax xooggan kadhacay isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee muqdisho waxaana qaraxaasi kugeeriyooday kudhawaad 79 ruux halka tiro kabadan 100 qofoodna ay kudhaawacmeen qaraxaasi isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada muqdisho.

