Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Sheegtay in duqeyn ka dhacday deegaanka Cali Barroow ee Gobolka Shabeelaha Hoose in lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Xarakadda Al-shabaab.
Howlgalka oo laba qeybood ahaa kan koowaad ayaa sabtidii laga fuliyay deegaanka Cali Barroow waxaana lagu dilay laba Sarkaal oo ka tirsanaa AlShabaab.
Howlgalka xigay oo ay ciidanku shalay galab ka fuliyeen deegaanka Kuunya Barroow waxaa lagu dilay Sarkaal kale oo wadarta Saraakiisha Shabaab ee la dilay shalay ilaa maanta ka dhigaysa 3 Sarkaal.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibadeeda caalamka waxa ay u taagan tahay difaaca shacabka iyo soo celinta cadaaladda.

