Inta la xaqiijiyay 15-ruux ayaa ku dhimatay, 60-kalana way ku dhaawacmeen kadib markii qarax Ismiidaamin ahaa uu ka dhacay Ex Controol Afgooye ee Magaaladda Muqdisho.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal Maydad jirkooda is heysto oo la isku aadiyay oo yaala goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana goobaha caafimaadka loo qaaday dhaawacyadda 60-ruux.
Qaraxa oo ahaa gaari ismiidaamin ah ayaa lala eegtay gaari ay Wateen howlwadeeno Turki ah oo dhisayay Wadada Xariirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Wararka ayaa sheegaya in gaariga ay saarnaayeen 3qof oo turkish ah iyo ciidan ilaalo u ahaa Waxaana la sheegay in guud ahaan ay gaariga uu gubtay ayna ku dhinteen ilaalada iyo howlwadeenada Turkida ah.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in gaari ay saarnaayen ardey dhigata mid kamid ah jaamacadaha ku yaala Magaladda Muqdisho uu goobta ku gubtay,islamarkaana uu khasaare jiro.
Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

