Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Dil Magaalada Muqdisho loogu geystay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay degmadda Huriwaa ee dhacda waqooyiga magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Muxamed Isxaaq waxa uuna ka tirsanaa saraakiisha ciidamada Booliska wuxuuna si gaar ah uga howlgalayay xerada Iskuul Boliisiya Degmadda Xamar jajab.
Rag ka Tirsan Shabaab ayaa Fuliyay dilka sida lagu daabacay warbaahinta Al-Shabaab.

