Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee Magaaladda Muqdisho.
Ajandaha kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa ah akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka, iyadoo uu daba socdo doodahoodii hore ee la xiriiray Hindise Sharciyeedkan.
Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr maalin doodo ka yeeshay sharciga doorashooyinka,waxaana maanta lagu wadaa in ay ansixiyaan.
Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee horyaala Golaha Shacabka ayaa waxaa soo diyaariyay Guddiga Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka.

