Wararkii Ugu dambeeyay Weerar Ismiidaamin ahaa oo Ka Dhacay Gaalkacyo

0

Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax gaari loo adeegsaday oo xalay Ka dhacay Koonfurta Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal qaraxa ayaa ka dhacay Hoteel ay daganayeen Saraakiil Ka Tirsan Ciidamadda Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxa.

Hotelkan ayaa waxaa deganaa Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdixamiid Maxamed Dirir, Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje) iyo Saraakiil kale, waxaana la xaqiijiyay inay qaraxaasi ka badbaadeen.

Inta la xaqiiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay 4-ruux,waxaana ku dhaawacmay 40-ruux oo isugu jirey askar iyo Shacab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here