Madaxweynaha Maamulka Gamudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ka hadlay Qaraxii xalay Ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Madaxweyne Xaaf ayaa Tacsi u direy Eheladii dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay Gaalkacyo.
Waxa uu ugu baaqay Shacabka reer Gaalkacyo in ay meel ugu soo wadajeystaan Cadowgooda.
“Samir iyo iimaan Eebe ha inaga siiyo wiilasha iyo hooyooyinka ku naf waayay masiibada ay caawa gaysteen Al Shabaab.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.
“Waxaan ku baaqayaa in reer Gaalkacyo fadhiga ka kacaan oo ay meel uga soo wada jeestaan cadowga, lana shaqeeyaan ciidamada, si looga hortago falalka amni darro ee xilliyada qaar dhaca.” Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.
Taliyaha Ciidanka Dhulka, General Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje) ayaa la xaqiijiyay in ay ka badbaadeen ismiidaamintaasi.

