Askari Fal Layaab Leh u Dilay Leyla Abuukar

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa toogasho xalay ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Koonfur Galbeed Soomaaliyeed ee Magaaladda Baydhabo.

Falkaan waxaa geystay askari ka tirsn Ciidamadda Koonfur galbeed,wuxuuna toogtay gabar askariyad aheyd oo lagu magacaabi jirey Leyla Abuukar.

Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa inoo sheegay in falkaan uu ka dhashay Muran dhexmaray xaaska askariga dil ka gaystay iyo marxuumad Layla oo Askariyad aheyd, kadibna uu ku soo baxay askariga wax dilay, kaas oo sida la xaqiijyay wadnaha xabadda uga dhaftay gabadha geeriyootay.

Askariga dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta, waxaana socda howlgal lagu baadigoobayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here