Cuba oo Ka Hadashay Dhaqaatiirta Lagu Afduubtay Gudaha Kenya

0

Dowlada dalka Cuba ayaa shaaca kaqaaday in laba dhaqtar oo u dhashay wadanka Cuba kuwaasi oo laga afduubtay mandeera bishii April ee sanadkan ay haatan xaaladadooda wanagsantahay sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan dowladda dalka Cuba waxa ayna intaasi kudareen in labada dal ee Kenya iyo kuuba ay siwadajir ah uga shaqeynayaan sidii ay xoriyadooda u heli lahaayeen labadan dhaqtar oo la aaminsanyahay in gacanta ugu jiraan dad looga shakisanyahay in ay katairsanyihiin dagaalyahannada alshabaab.

Ines Maria Chapman oo ah kuxigeenka madaxa golaha wasiirada wadanka kuuba oo warbaahinta kullahadashay magaalada Hafaana ee dcaasimada wadanka kuuba  kadib safar ay kutagtay dalka Kenya  ayaa tiri “dowlada Kenya waxa ay kawarqabtaa xaalada labada dhaqtar  ee  Assel Herrera iyo Landy Rodriguez xaaladadooda wey wanagsantahay waxaan kashaqeyneynaa sidii ay dalkooda dib ugu soo noqon lahaayeen ayagoo caafimaad qaba,dadka yaga waxa ay kalsooni kuaqabaan dowlada kuuba si lamid ah dowlada dalka Kenya waxaan wadnaa dadaallo xooggan waxaan si gaara uga taxadareynaa arinka labada dhaqtar”.

Bishii may ee sanadkan saraakiil sare oo katirsan dowlada ayaa sheegay in kooxaha afduubtay dhaqaatiirta ay dalbanayaan lacag madaxfurasho oo gaareysa  $1.5billion si ay usii daayaan dhaqaatiirtan u afduuban,labadan dhaqtar ayaa lasheegay in laga afduubtay magaalada mandeera meel udhaw xadka wadamada Somalia iyo Kenya waxaana la aaminsanyahay in ay afduubtaan xubno looga shakiyay in ay katirsanyihiin alshaab, Harrera iyo Rodriguez oo ah dhaqaatiirta la afduubtay ayaa qeyb ka ahaa 100 dhaqtar oo ujoogay shaqooyin caafimaad wadanka Kenya  islamarkaana kashaqeynayay wadanka Kenya ayaa kujoogay wadankaasi hishiis labo geesood ah oo ay wadagaleen wadamada Kenya iyo kuuba.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here