Taliyihii Xabsiga dhexe oo shaqo Joojin Lagu Sameeyay

0

Taliska ciidanka Asluubta ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay  xilka ka qaadeen  taliyihi Xabsiga Dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile, kadib eedeyn loo jeediyey taliyaha.

Waxaa taliyaha lagu eedeeyay in uu si qasab ah bukaan cusbitaal kaga soo saaray kadibna uu geeriyooday bukaankii uu isbitaalka sida qasabka ah kagag soo saaray, waxaana ay keentay arrintaasi in shaqo joojin lagu sameeyo taliyaha.

Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar xirsiile ayaa sheegay  in ruuxaas oo ku xukunnaa 8-sano oo xabsi ah, si qaldan looga saaray isbitaal ku yaalla xabsiga dhexe, islamarkaana la geeyey isbitaal si gaar ah loo leeyahay, halkaas oo wax ka yar 40 daqiiqo uu sheegay inuu uga dabatagay.

Afhayeenka ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in shaqada laga joojiyey taliyaha xabsiga dhexe, isla markaana la baarayo sida uu ku dhacay kiiska loo heyso, waxaana uu sheegay in ay si qoto dheer ay baaridoonaan arrintaan.

Marxuumka geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Kurtun Calasow, waxaana uu ka mid ahaa maxaabiista ku xidhan xabsiga dhexe, isagoo ku xukunnaa  seddeed sano, waxaana eheladiisa ay sheegeen in aan meydkiisa la’aasi doonin illaa iyo inta cadaalad ay ka helayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here