Golaha Wakiilada Maraykanka oo ansixiyay miisaaniyad ay ku jirto cafinta deyn lagu leeyahay dalka Soomaaliya.

0

Golaha wakiillada maraykanka ayaa ansixiyay miisaaniyad ay ka mid tahay cafinta daymaha soomaaliya, oo ahaa daymo in muddo ah soo jiitamaayay, sanadba sanadka ka danbeeyana sii kordhayay, maaddaama ay jirtay lacag dulsaaar ah.

Qaraar Number tirsigiisu yahay  H.R 1158 ayaa lagu sheegay in lagu ansixiyay qaraarka deynta looga cafinayo Soomaaliya.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka wakiilada Maraykanka ayaa soo saartay war saxaafadeed  waxaa ay ku tiri    “Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xaqiijinay deyn cafinta Soomaaliya. Soomaaliya waxaa dul-saaran deyn dhulka la gashay, taasi oo dib u dhigaty dhaqaalihii islamarkaana malaayiin Soomaali ah ka dhigtay sabool.”

Ilhaan ayaa intaasi kusii dartay in soomaalida ku sugan dalka oo kaliya aysan muhiim u ahayn deyn cafintaan balse ay sidoo kale muhiim u tahay Soomaalida ku sugan dalka maraykanka.

“Tani ma saameyneyso kaliya Soomaalida ku nool Soomaaliya, balse sidoo kale kumanaan Soomaali Mareykan ah oo ku nool degmada aan matalo, sidoo kalena ay ehel ka joogaan gobolka” ayey tiri Ilhaan.

Dhanka kale waxaa si weyn usoo dhaweeyay deyn cafintaan qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed, waxaana arrintaan lagu tilmaami karaa guul weyn oo usoo hoyatay Soomaalida.

Sidoo kale waxaa jira waddamo kale oo lacago deymo ah kuleh  oo ay ka mid yihiin waddamada Taltaaniga, Jarmalka iyo Japan, waxaana muuqata in culayskii ugu weynaa ee daymaha Soomaliya lagu lahaa uu ka dagay.

Soomaaliyaa ayaa la daala dhacaysa lacago deymo ah oo aad u farabadan, waxaana muuqaata in rajo wanaagsan oo lacagaha looga cafinaya soomaaliya ay soo ifbaxayso, waxaana jira Balaayiin (Bilions) lacago deymo ah oo Soomaliya lagu leeyahay kuwaasoo la deymiyay xililigii Dowladdii Millatariga

Ilaa hadda kama hadlin safiirka Maraykanka u fadhiya soomaaliya MR Donald Yamamota,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here