Gaadiidleyda Muqdisho oo Cabasho ka Muujiyay Burburka Wadooyinka+Dhageyso

0

Iyadoo 2-dii maalin ee lasoo dhaafay magaalada muqdisho ay ka da’ayeen roobab xoogan  ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada  Iyadoo ay xasuus mudantahay in roobabkaasi dadka qaaar ay saameyn xoogan ay ku yeesheen.

Robabka ayaa ahaa roobab xoogan kaasi oo watay daadad xoogan iyadoona ay jiraan dad ku nafwaayay roobabkasi oo ay qaadeen daadadkii xoognaa uu roobku watay.

Dhanka kale qaar kamid ah wadayaasha  gaadiidleyda ka shaqeya gobolka Banaadir ayaa cabasho xoogan kaqaba Bur burka wadooyinka waaweyn iyadoona ay haaatan ay ugusii darnaatay roobabki ka da ayay magaaladda muqdisho.

Waxa ay sheegeen in robabkaasi wadoyinkii bur bursanaaa uu sameyn xoogan ku yeeshay

Axmed oo kamid ah wadayaasha gaadidleyda muqdisho oo simba la hadlay ayaa sheegay in roobabkaasi ay burburiyen wadooyinkii waa weynaa ee horay u burbursanaaa islamarkaana laaamiyada qaar aysan isticmaali karin gaadidleyda.

Laamiyada uu  sheegay waxaa kamid ah warshadaha, ceymiska, madiino iyo Baar ubax  balse uu shegay ineysan jirin cid daneysa wadoyinka burbursan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here