Kadib markii xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo odayaasha mamulkaasi kaas oo Ku aadanaa qaabkii loosoo xuli lahaa xildhibanadda Baarlamaanka maamulkaas.
Odayaasha Koonfur galbeed Soomaliya Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ku heshiiyay in 95 xildhibaan laga soo xulo deegaañada mamulkaasi waxaa maanta odayaasha dhaqanka mamulkaasi ay ka shirayaan qaabkii ay u qeysan lahaayeen 95 taas xildhibaan.
Malaaq Deeroow oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka mamulkaasi ayaa ka hadlay qaabka u socda shirka odayaasha ee ku aadan qeybsashada xildhibanada barlamaanka mamulkaasi.
Malaaqa ayaa waxa uu ugu baaqay odayaasha inay dardar galiyaan howsaasi islamarkaama ay u hiiliyaan daganaanshiyaha iyo dowladnimada iyo nabadenta degaanada.
Iyadoona dhawaan ay ku heshiyeen madaxweynaha koonfurgalbed iyo odayaasha dhaqanka deganadaasi In ay soo doortaan tiradda xildhibanada oo garaya ilaa iyo 95-Xildhibaan.

