DFS oo Loogu Baaqay In ay Diyaariso Qabashada Doorashada Jubba-land+Dhageyso

0

Xubnaha isbadal doonka maamulka jubaland ayaa kacodsaday dowlada federaalka Somalia in ay billowdo qabashada doorashada maamulka jubaland oo wasaarada arrimaha gudaha xukuumada federaalka Somalia ay horay u qaadacday doorashadii ka dhacday kadhacay magaalada kismaayo.

Kaafiyo maxamed faarax oo kamid ah xubnaha isbadal doonka maamulka juballand oo lahadashay idaacada simba ee muqdisho ayaa ka dalbatay dowlada federaalka Somalia in ay dardargaliso arrimaha doorashada maamulka jubaland waxa ayna ka codsatay wasaaradda arimaha gudaha xukuumada federaalka Somalia in ay billowdo qabashada doorashada madaxtinimo ee maamulka jubaland.

Dhinaca kale kaafiyo maxamed faarax ayaa shaaca kaqaaday in shacabka  deegaanada maamulka juballand ay doonayaan isbadal maamul oo kahanaqaada deegaanada maamulka jubaland islamarkaana waxa ay hoosta ka xarriiqday in shacabka deegaanada juballand ay haatan u baahanyihiin isbadal siyaasadeed iyo mid maamul oo ka dhaca deegaanada maamulka jubaland.

Hadalkan kasoo baxay kaafiyo maxamed faarax oo kamid ah xubnaha isbadal doonka maamulka jubaland ayaa kusoo aadaya iyadoo khilaaf xooggan uu u dhaxeeyo madaxda ugu sarreysa  maamulka jubaland iyo sidoo kale dowlada federaalka Somalia oo horay uqaaddacday natiijada kasoo baxday doorashadii kadhacday deegaanada maamulka 22kii  bishii August ee sanadkan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here