Cumar Filish:-“Gudoomiyihii Degmadiisa Qof Lagu Dilo Xilka Waan ka Qaadayaa”,

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta degmada Deyniile kulan gaar ah kula qaatay saraakiisha ciidamada XGS isagoo kala hadlay xoojinta la dagaalanka argagixisada.

Kulankan amniga Caasimadda quseeya ayaa waxaa goob joog ka ahaa xildhibaan Cabdullaahi Gaafow oo horey usoo noqday Taliyaha ciidanka NISA.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku amaanay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiishooda sida ay naftooda iyo dhiigooda ugu horeyn xureynta dalka iyo badbaadinta shacabka.

Dhanka kale Gudoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in Xilka laga qaadayo Gudoomiyihii Degmadiisa qof lagu dilo,islamarkaana ku guuldareysta in uu soo qabto.

“Hadii Dagmada gudaheeda wax lagu dilo oo qofkii wax ku dilay isagoo nabad ah uu baxsado , Dagmadaas Gudoomiye cusub aa loo magacabaa, waliba nin sarkaal ah oo Militery ah Cabdi bilahiisa iyo ciidankiisa wato Gudoomiye ugu dhigeynaa ballanka aan qabno waa kaas”,ayuu yiri Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here