Maxkamadda Sare Dalka oo Bilaabeysa Dacwadda Xisbiga Shariif Sheekh Axmed

0

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in dhawaan ay qaadi doonaan Dacwadd ka dhan Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo uu soo gudbiyay Xisbiga Himilo Qaran.

Waxa uu sheegay inay hayaan dacwadda la soo gaarsiiyay islamarkaana ay u gudbiyeen ciddii dacwadda laga ahaa, si loo guda galo qaadista dacwadda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maalmaha soo socda ay u fariisan doonaan dhageysiga dacwadda laga keenay Hay’adda Socdaalka Hawada,madaama lagu eedeeyay in ay ishor istaag ku sameeyeen Wafdiga.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa hoos u dhigay warar ku aadan in Faragalin ay kaga imaan karto Xukuumadda Soomaaliya,islamarkaana garsoorka uu yahay mid Madax banaan.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa 6-dii bishii October dacwadan oo ka dhan ah Hay’adda Socdaalka Hawada Somaliya u gudbiyay Maxkamadda Sare, ka dib markii wafdi uu hoggaaminayay Shariif Sheekh Axmed oo ku wajahnaa Magaalada Kismaayo lagu xanibay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here