Taliye Mahad:-“Waa Shabaab Dadka Buun buuninaya Hadalkii Naafadda”.!

0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa ka hadlay hadal uu todobaadkaan sheegay oo ahaa inaanan Ciidanka Asluubta looga baahnayn nin il, lug ama gacan la’, ayna taasi bedelkeeda u baahan yihiin dadka uu lixaadkoodu dhameystiran yahay.

Hadalka Taliyaha ayaa si weyn u qabsaday Baraha bulshadda,wuxuuna dhaliilo kala kulmaay Ururada Naafadda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Wareysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu ku sheegay inay u yimaadeen dad naafo ah, isla-markaana ay codsadeen in la shaqaaleysiiyo. Isagoo intaa ku daray inay u sheegeen inaanay qaabili karin dadka aanu lixaadkoodu kaamilka ahayn.

Waxa uu sheegay in dadka u yimaaday ay dib u celiyeen inuu ugu baaqay inay shaqooyin u doontaan xafiisyada kale ee dowladda, halkaa oo sida uu sheegay ay macquul tahay in laga siiyo shaqooyinka ay qaban karaan.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa shaabaanimo ku eedeeyay dadka baraha ku dhaliilay hadalkiisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here