Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa eedeen u jeediyay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo maalmahaan Mucaaradayay Dowladda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Shiikh Shariif uu yahay qiyaanoole,islamarkaana uusan Magaaladda Muqdisho ka saarin Ciidamadda Ethopia, Mooryaanta iyo Al-shabaab,kursigana si Sahlan ku helay uuna ilaaway dadkii howsha waday.
Sidoo kale Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in Shariif uu yahay daneyste,islamarkaana markii dantiisa uu gaaro uu dadka ilaawo.

